HomeWarkiiMustaf Dhuxuloow oo la kulmay  Guddiga dukumeentiga baasaboorka Soomaaliyeed

Mustaf Dhuxuloow oo la kulmay  Guddiga dukumeentiga baasaboorka Soomaaliyeed

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddiga Isku-dhafka ah ee u xil-saaran diyaarinta qandaraaska hannaanka lagu tayaynayo dukumeentiga baasaboorka Soomaaliyeed.

Guddigan oo ay ka mid yihiin Hay’adda Qaramada Midoobey ee UNOPS, Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), ayaa ka shaqeynaya hagidda iyo talo-bixinta la xiriirta hannaanka iibka iyo qandaraasyada, si dib-u-habeyn dhameystiran loogu sameeyo baasaboorka Soomaaliga. Ujeedadu waa in la hirgeliyo baasaboor casri ah oo leh qaab-dhismeed, amni iyo muuqaal heer sare ah (3rd Generation), kana sarreeya kan hadda la isticmaalo, si uu u qalmo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafe Dhuxulow, ayaa sheegay in loo baahan yahay dukumeenti tayo sare leh, oo leh astaamo amniyeed oo casri ah, si uu ula jaanqaado baasaboorrada caalamiga ah. Waxa uu si gaar ah u xusay in hannaanka qandaraaska uu noqon doono mid si buuxda u daahfuran, ayna ka qayb qaadan karaan shirkadaha caalamiga ah ee leh waayo-aragnimada iyo awoodda farsamo ee ku habboon horumarinta baasaboorka Soomaaliyeed.

Agaasimaha ayaa uga mahadceliyay UNOPS kaalintooda farsamo ee joogtada ah, wuxuuna bogaadiyay iskaashiga dhow ee u dhexeeya HSJ, Wasaaradda Maaliyadda, iyo hay’adaha kale ee mashruuca ku lugta leh. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in mashruucani yahay mid taariikhi ah, oo door weyn ka qaadan doona tayaynta baasaboorka Soomaaliyeed iyo kor u qaadidda sumcaddiisa caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ayaa ku booriyay xubnaha guddiga in la dedejiyo dhameystirka dukumeentiyada, si daahfurka rasmiga ah ee qandaraaska loogu qabto muddo kooban, isagoo ballanqaaday in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay si buuxda uga go’an tahay hirgelinta mashruucan qaran.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -