HomeWarkiiMustaf Dhuxulow oo heshiis muhiim ah la saxiixday dhigiisa Dalka Switzerland+SAWIRRO

Mustaf Dhuxulow oo heshiis muhiim ah la saxiixday dhigiisa Dalka Switzerland+SAWIRRO

Dowladda Switzerland ayaa shaacisay inay Soomaaliya ka caawineyso tababaridda saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, iyadoo wafdi ka socda Soomaaliya ay iminka ku suganyihiin gudaha dalka Switzerland.
Tababarkan ayaa ku saabsan Maareynta Xuduudaha, hubinta baasaboorada iyo waraaqaha aqoonsiga ee ay wataan dadka ka soo talaabaya xadka uu Soomaaliya la wadaago dalalka Kenya iyo Ethiopia, iyadoo War-Saxaafadeedka ka soo baxay dowladda Switzerland lagu shaaciyay in tababarku uu qeyb ka yahay ka hortegidda tahriibinta sharci darada ah.
Talaabadan ayaa ka dambeeysay kadib markii Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Danjire Hendrick Krauskopf oo ah Madaxa Agaasinka Arrimaha Caalamiga ah ee dhanka socdaalka u qaabilsan Switzerland ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan iskaashiga iyo tababaridda howlwadeennada Hay’adda Socdaalka Soomaaliya.May be an image of 2 people, newsroom and textMay be an image of ‎7 people and ‎text that says "‎G→ ة L POLIZEI‎"‎‎
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -