HomeWarkiiMustaf Dhuxulow oo ka hadlay muranka ka dhashay adeega E-Visa

Mustaf Dhuxulow oo ka hadlay muranka ka dhashay adeega E-Visa

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Mustaf Dhuxulow ayaa si kulul uga hadlay buuqa ka dhashay adeega E-Visa ee Hay’adiisu dalka ku soo rogtay xili maamul Goboleedyada Dalka qaarkood sida Somaliland iyo Puntland ay dood badan ka keeneen.

Mustaf Dhuxulow wuxuu sheegay in adeegaan oo Dowlada Somalia ku dooneyso inay ku adkeyso minimada Somaliweyn iyo inay ku muujiso awooda Dowladnino,wuxuu carabka ku adkeeyay inuu sugayay in Somalidu soo dhaweyso horumarka balse uusan marna fileyn qof  soomaali ah oo ka soo horjeeda horumarka Dowlanimo.

“Maanta waxaan sugayey taageero, dhanka adeega E-Visa oo la ogyahay inuu Soomaalida u yahay howlbole marka la eego dhanka isku haynta dalka, ma sugayn in la duro barnaamijka, Evisa waxa laga fidiyey been-abuur”ayuu yiri Dhuxulow

Dhanka kale Mustaf Dhuxulow  wuxuu sheegay in marnaba  uusan hal ruux ama laba ruux hor istaagi karin adeegaan Dowladnimada lagu xoojinayo.

Dhanka kale Agaasimaha kama jawaabin warar maalmihii ugu danbeeyay baraha bulshada iyo warbaahinta lagu hadal hayay oo ahaa in la jabsaday xogta adeega E-Visa islamarkaana ay kooxaha wax jabsaday shaaciyeen xogta dad badan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -