MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Agaasimaha guud ee Haya’dda Socdaalka iyo Jinsiyadaaha Soomaaliya, Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa markii ugu horeyay Somalia ka hirgeliyay hannaan cusub oo loo yaqaan PISCES, kaas oo ah nidaam casri ah oo Mareykanka iyo dalal kale laga isticmaalo.
Mustaf dhuxulow wuxuu tilmaamay in Nidaamkaani cusub uu wax weyn ku soo kordhinayo horumarka socdaalka dalka.
Sidoo kale Agaasime Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow wuxuu intaasi ku daray in nidaamkaani PISCESÂ ay isticmaalaan in ka badan labaatan dal islamarkaana Soomaaliya u sahlaya inay la jaanqaaddo nidaamyada caalamiga ee adduunka.
“Barnaamij wuxuu ka mid yahay dadaalo aan ka wadno haya’adda taas oo ugu talagalnay inaan dadka siino adeeg fiican há’yadduna la jaanqado adduunka intiisa kale”ayuu yiri Dhuxulow oo wareysi siiyay BBC-da laanteeda afka Somaliga.
Si kastaba Agaasimaha wuxuui cadeeyay in wixii hada ka danbeeya Hannaankani PISCES uu baddelaya barnaamijkii horey ay hay’addu isticmaali jirtay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
