HomeWarkiiMustaf dhuxulow oo maanta saxiixay habraacyo muhiim u ah Hay’adda Socdaalka iyo...

Mustaf dhuxulow oo maanta saxiixay habraacyo muhiim u ah Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda +SAWIRRO

Muqdisho, 4 Agoosto 2025 – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay habraacyo muhiim ah oo lagu hagaajinayo adeegyada ay hay’addu siiso bulshada Soomaaliyeed. Ujeedada habraacyadan ayaa ah in la dardargeliyo hannaanka adeeg-bixinta, lana xaqiijiyo hufnaan, isla xisaabtan, iyo adeegyo tayo leh oo la jaanqaadaya baahida shacabka.
Munaasabadda saxiixa habraacyadan oo ka dhacday xarunta dhexe ee HSJ waxaa ka qeyb galay Agaasime Ku-xigeennada Guud, Lataliyeyaal, Agaasime Waaxeedyada, iyo saraakiil sare oo ka kala socday xafiisyada hay’adda. Kulankan wuxuu muujiyey midnimo iyo ka-go’naansho dhab ah oo ku aaddan hirgelinta isbeddelada la xiriira adeegga.
Habraacyada la saxiixay ayaa daboolaya dhammaan adeegyada ay Hay’addu bixiso, waxaana ka mid ah:
• Habka dalbashada iyo bixinta baasaboorka Soomaaliyeed
• Bixinta oggolaanshaha dalka-galka iyo dalka-joogga
• Maamulka socdaalka iyo xuduudaha, si loo hubiyo dadka dalka soo galaya ama ka baxaya
• Maamulka shaqada iyo shaqaalaha
• Maaraynta maamulka guud ee Hay’adda
Yaraynta Waqtiga Dalabka Baasaboorka
Mid ka mid ah tallaabooyinka ugu waaweyn ee ka dhashay habraacyadan cusub ayaa ah yareynta waqtiga la sugayo baasaboorka caadiga ah. Tani waxay si toos ah u anfici doontaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan adeegyo deg deg ah oo hufan.
1. Dalbashada baasaboorka cusub – Waqtiga sugitaanka waxa laga dhigay 7 maalmood, halkii uu markii hore ka ahaa 15 maalmood.
2. Cusboonaysiinta baasaboorka dhacay ama lumay – Waqtiga sugitaanka waxa laga dhigay 4 maalmood, halkii uu markii hore ka ahaa 10 maalmood.
Agaasimaha Guud, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in habraacyadan ay saldhig u yihiin isbeddelka ay hay’addu hiigsanayso. Waxa uu tilmaamay in ay si cad u dejinayaan hannaan shaqo oo mideysan, hufan, kuna dhisan isla xisaabtan. Waxa uu intaa ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay mudan yihiin adeeg sharaf leh, degdeg ah, oo aan carqalad lahayn.May be an image of ‎8 people, people studying and ‎text that says "‎ਭੰ HAY'ADDA HAY'ADDASOCDAALKAN SOCDAALKA IYO JINSIYADDA والجنسية الهجرة ادارة IMMIGRATION AND CITIZENSHIP AGENCY MUNAASABADDA SAXIIXA - AY'ADDA SOCDAALKA O ADEEG BIXINTA ODA 04 Agoosto 20‎"‎‎May be an image of 6 people, people studying and daisMay be an image of ‎10 people, people studying, newsroom and ‎text that says "‎HAY'ADDA SOCDAALKA IYO JINSIYADDA والجنسية الهجرة ادارة IMMIGRATION AND CITIZENSHIP AGENCY MUNAASABADDA SAXIIX HAY' HAY'ADDA ADDA SONT 1B- B-RAACYADA ADEEG BIXINTA IYO JINSIYADDA 25‎"‎‎May be an image of ‎7 people, dais and ‎text that says "‎HAY'ADDA SOCDAALKA IYO JINSIYADDA ادارةالهجرةوالجنسية والجنسية الهجرة ادارة IMMIGRATION AND CITIZENSHIP AGENCY UNAASABADDA SAXIIXA HAB-R. HA ODA SO ALK YADA SIY EEG n4‎"‎‎
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -