MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa faah-faahin ka bixiyey adeegyo iyo qalab casri ah oo hay’adda lagu soo kordhiyey 6-dii bilood ee lasoo dhaafay.
Horumarada cusub ee uu Mustaf dhuxulow ka dhawaajiyay waxaa ka mida qalabka sheega dadka falal danbiyeedyada ka soo geysta dunida sida dilka oo kale,Mustaf dhuxulow noqonayaa masuulkii ugu horeeyay oo madax ka noqda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ee sidan u hormarsha shaqada garoonka diyaaradaha Muqdisho.
“waxaan ku dhiiranay wax ka badalka caqabado badan oo heystay dadka saarka ah,waxaan ku biirnay markii ugu horeysay Interpol oo aan heshiis la saxiixanay dhowr bil ka hor waxayna noo suurtagalisay inay nala wadaagaan dadka danbiyada loo heystyo magacyadooda”ayuu yiri Mustaf dhuxulow
Sidoo kale Musta wuxuu intaasi ku daray inay ku guuleyssteen barnaamij u ogolaanaya inay ogaadaan dadka safraya warbixintooda kuwaasoo dalka ka dhoofaya ama soo galaya .
Sidoo kale Agaasimaha Hay’ada Socdaalka iyo jinsiyada Musta dhuxulow wuxuu sheegay inay hir geliyeen barnaamij u ogolaanaya inay ogaadaan baasaboorada iyo fiisooyinka bugta ah .
XAFIISKA WARARKAÂ
DAYNIILE.COM
