HomeWarkiiMuungaab "Muqdisho waxay u baahan tahay maqaam la mid ah maamul Goboleedyada...

Muungaab “Muqdisho waxay u baahan tahay maqaam la mid ah maamul Goboleedyada dalka ka jira”

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo xalay xarunta Degmada Yaaqshiid uga qeybgalay  mnaasabad ku saabsan ku wacyi-gelinta shacabka sidii au uga qeybqaadan lahaayeen doorashooyinka qof iyo cod ayaa ku dhiiri gelyay shacabka Soomaaliyeed inay ka qeybq

“Muqdisho waxay u baahan tahay maqaam la mid ah maamul Goboleedyada dalka ka jira si taas loo gaarana gacanta shacabka ayay ku jirtaa,waana in reer Muqdisho si fir fircoon uga qeybqaataan is diiwaangelinta  muqdisho ka socoto si ay u doortaan golayaasha deegaanka”ayuu yiri Xasan Muungaab

wuxuu soo hadal qaaday in wali baarlamaanku ku guuleysan ansixinta sidii caasuimadu maqaam buuxa u yeelan lahayd.

“fursad taariikhi ah  ayaan heysanaa waana inaan gacanteena ku doorano gole deegaan ,la doorto maayar ,gole deegaadegmo ilaa heer gobol”ayuu mar kale yiri Gudoomiye muungaab

“Wadada lagu gaari karo guulahaasi waa in shacabku qaato kaarka codeynta balse marka hore waa in la is diiwaangeliyo” ayuu mar kale yiri Duqa Muqdisho.

Dhanka kale Gudoomiye Muungaab wuxuu ku dhiiri geliyay reer Yaaqsiid inay ka mid noqdaan Degmooyinka A-da noqon doona madaama ay dadka ugu badan ku dhaqan yihiin Degmada Yaaqshiid

“reer Yaaqshiid waxaan idiin sii sheegaa in degmooyinka loo kala qaadi doono A iyo B taasina waxaa lagu kala muteysan doonaa tirada dadka iska diiwaan geliyay sidaas daraadeed si Yaaqshiid A u noqoto waa inaad is diiwaangelisaan reer Yaaqshiid,

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -