MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Muuqaal daqiiqado kooban si weyn ugu baahay baraha bulshada ayaa ka soo baxay suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho kadib markii maanta ay halkaasi tageen wasiiro iyo xubno maamulka Gobolka Banaadir ka socday kuwaasoo u ol-oleynayay xisbiga JSP ee Madaxweyne Xassan hogaamiyo.
Wasiirka ciyaaraha,Wasiir ku xigeenka Warfaafinta iyo Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta tagay suuqa bakaaraha iyagoo rabay inay shacabka ka iibiyaan Xisbiga ay ka tirsan yihiin ee JSP inay codadkooda siiyaan waqtiga doorashada balse waji gabax ayay kala kulmeen mid ka mida ganacsatadii ay ugu tageen goobahooda ganacsi.
Muuqaalka aadka u baahay wuxuu muujinaya nin dhalinyaro ah oo dhahaya aniga codkeyga waxaan siinayaa Shariif ama Farmaajo taasoo keentay in masuuliyiinta iyagoo qosol isku madadaainaya ayayna goobta isaga dhaqaaqeen,ganacsadaha wuxuu ku adkeysanayaa inuu codkiisa xor u yahay halka hadalada masuuliyiintana uu ka mid ahaa waad saxan tahay xorbaad u tahay codkaada.
Warbaahinta iyo qeybaha baraha bulshada wararka ku gudbiya ayaa muuqaalkaa jaanis u arkay inay ku kala kacsadaan bayjajkooda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
