Sida aan ka soo xiganay Saab Tv Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horaysay waraysi uu bixiyey tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu xilka wareejiyey 12 December 2024, waxa uu ka hadlay sababaha fashiliyey hirgelinta heshiiskii Isfahamka ahaa ee ay Somaliland iyo Itoobiya wada galeen bilawgii sannadkii 2024.
“Heshiiskii MOU-ga (ee Somaliland iyo Itoobiya) waxa ka horyimid Ururka Midowga Afrika, Ururka Jaamacadda Carabta oo u qayshaday ilaa dawladaha waaweyn, sida Maraykanka oo kale, waayo badankoodu Soomaaliya way dhegaysteen markii ay cabatay, wixii Carab sheeganayey oo dhan ayaa raacay, kadibna Afrikadii kalena waa laga hawlgalay oo Masar oo xoog ah ayaa meesha hogaaminaysay, markaa Itoobiya codkii Afrika ayaa horjoogsaday, cid kalena umay joojiseen ee waxa la soo jeedinayey in Xarunta Midawga Afrika laga raro Addis Ababa haddii ay arrintaasi maqli waydo, markaa Itoobiya arrintaas waa lagaga adkaaday oo Afrika ayaa kaga adkaatay innaga xageena wuu ka fulay heshiisku.
Carabta intuu aamini waayey ayuu islaamkii u yeedhay, markaa saddex ayaa isku raacay, Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Ururkii Islaamku oo ilaa 50 dawladood ku jiraan, saddexdaas ayaana Itoobiya horjoogsaday, Somaliland iyo Itoobiya diyaar bay markii hore u ahaayeen fulinta heshiiskaas, laakiin culays badan ayaa Itoobiya ku dhacay,” ayuu yidhi Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo waraysi siiyey Somaliland Chronical.
