Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa kulan kula qaatay masuuliyiin sarsare oo ka socda hay’adda qaxootiga adduunka ee loo soo gaabiyo (UNHCR) oo uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee geeska Afrika u qaabilsan Amb. Maxamed Cabdi Affey oo ay wehelinayaan masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay wakiilka hay’adda u qaabilsan Soomaaliya, Magatte Guisse.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo arrimo ku saabsan qaxootiga ku sugan Somaliland oo ay xukuumaddu u cadaysay wefdiga inay hayaan dad ku dhaw 14,000-kun oo qaxoonti ah kana yimi dalalka gobolka iyo dalal ka baxsan mandaqada geeska.

Qodobada kulankaa lagu lafo-gurayna waxa ka mid ahaa xaalada guud ee qaxootiga ku sugan gudaha Somaliland sidii loo meelayn lahaa, samaynta xeryo qaxooti oo lagu hayo dadka ay Somaliland u aqoonsan tahay inay yihiin qaxooti.

Sidoo kale waxa laga wada hadlay doorka ay hay’adda UNHCR ka qaadan karto yagleelida xeryaha qaxootiga iyo saamaynta ay yeelan karaan xeryaha qaxootigu marka loo eego mustaqbalka fog iyo habka ugu haboon ee loo diyaarin karo ama loona hayn karo qoxootigaa, iyadoo lagu dabaqayo aqoon iyo waayo aragnimo.

Ugu danbayntii waxa la isla gartay in arrintan loo saaro guddi farsamo oo ka kooban labada dhinac oo soo gorfeeya hannaanka ugu wanaagsan ee xal loogu heli karo qaxootiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here