Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay 28-sano guurada kasoo wareegtay aasaaska Ciidanka Booliiska ayaa askarta ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan ilaalinta nabadgalyada.

Muuse Biixi waxa uu saraakiisha hoggaanka u ah Ciidamada Booliiska usoo jeediyay in ay ka warqabaan dhaqdhaqaaqyada Ciidanka si ay uga fogaadaan dambiyo ay ku lug yeeshaan Hay’adaha amniga oo mas’uul ah wax ka qabashada dambiyada dhaca.

Biixi ayaa Ciidamada uga digay in ay faraha la galaan siyaasadda balse kaalintooda ay tahay “ilaalinta nabadgalyada & sarreysiinta Sharciga si ay u waarto Nabadgalyada Somaliland” sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland ayaa khudbaddiisa uga falceliyay Dood la xiriirta in Somaliland lagu daro “Liiska Argagixisada” oo uu sheegay in ay ka timid Xubno katirsan Baarlamaanka DG Puntland.

“DG Puntland Baarlamaanka dood uu soo dhigay oo runtii la yaab lahayd oo aan garaneyn sida ay u timid weliba rag waaweyn oo aan jaar nahay ayaa leh waa in Somaliland lagu daraa Liiska Argagixisada, Dad ayaan isugu dhaw nahay waxa aan leeyahay in aan isku duceyno ayay ahayd oo dad & duunyo ayaa na iska keen dhexmaray” ayuu yiri Muuse Biixi.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland S/guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa dhankiisa ku dhawaaqay in uu isku howlayo xoojinta Ciidamada ammaanka si ay kaalintooda ay uga qaataan ilaalinta nabadgalyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here