No description available.

HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaba Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa fariim hawada u soo mariyay Madaxweynaha Dowlada Faderaalka Soomaaliya Xassan sheekh Maxamuud.

Advertisement

Muuse Biixi oo Hargeysa ka hadlaayay ayaa sheeegay ayaa ku celceliyay inay fulinayaan heshiiskii ay la galeen Dowlada Itoobiya.

Inkastoo meelo badanuu soo qaatay kuwaasoo badanaa uu ku soo hal qabsanaayay Madaxweyne Xasan hadana waxaa hadaladiisa lagu soo koobi karaa inuusan Madaxweyne Xasan ka hor istaagi karin qorshahooda bad ku badalashada ictiraaf inay belaan

“Xassan Sheekh ama Turki heshiis hala galo ama Masar, marna nagama hor istaagi karo inaan fulino heshiiskii aan la galnay Itoobiya”ayuu yiri Muuse Biixi

Warka Muuse Biixj ayaa ku soo aadaya xili  maanta baarlamaanka iyo wasiirada Soomaaliyeed ansixiyeen heshiis lala galay Dowlada Turkey kaasseo dhigaaya inay difaacaan badda Somalia sidoo kalana tababaraan ciidan badeed soomaaliyeed oo isku filan.

Haddaba  Warka Muuse Biixi oo dhameystiran ka daawo muuqaal-kaan aan ka soo xiganay telefishinka maamulka Somaliland:-

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

 

Previous articleDAAWO: Madaxweynaha oo ka hadlay heshiiska Somalia iyo Turkey
Next articleGuddoomiyihii hore ee G/Banaadir oo soo dhaweeyay Heshiiska Dowladu la gashay Turkey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here