Muuse Biixi xilalka ka xayuubiyey qaar badan halka kuwa Cusub uu magacaabay

0

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilka looga qaaday qaar kamid ah Gudoomiyaasha gobolada maamulkaasi halka kuwa cusubna magacaabay.

Halkan ka Akhriso Wareegtada xil ka qaadista iyo magacaabista

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-530/062020 iyo JSL/XM/WM/222-531/062020, uu xilalkii kaga qaaday kuwa kalena ugu magacaabay gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka qaar ka mida, sidoo kalena uu ku sameeyey bedel.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinkaasi Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ku: Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim;
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hawd

Ku: Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse;
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf Guddoomiyaha Gobolka Awdal.

2. Axmed Cismaan Xasan Cilmi Guddoomiyaha Gobolka Sanaag

3. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.

4. Axmed Cige Maxamed Geeddi Guddoomiyaha Gobolka Hawd.

5. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye Guddoomiyaha Gobolka Gabiley.

6. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed Guddoomiyaha Gobolka Saraar

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here