Muwaadin Lagu Fuliyey Toogasho Gobolka Hiiraan

0

aare kuyaala deegaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan ayaa lagu toogtay nin lagu helay dambi ah in uu dilay qof kale, waxaana ninkan dilka geestay gacanta kusoo dhigay Al Shabaab .

Maxkamad Al Shabaab leedahay oo lasoo taagay ninka dilka geestay ayaa ku riday xukun dil qisaas ah kadib markii ehelada ninkii uu dilay ay diideen in ay cafiyaan ama diyo ka qaataan, waxa ayna codsadeen in loo qisaaso.

Dadweyne badan iyo xubno katirsan Al Shabaab ayaana isugu soo baxay fagaaraha lagu tooganayay Xasan Aadan Cali oo 44 sana jir ahaa kaas oo horay u dilay Xasan Cismaan Ibraahim.

Al Shabaab ayaa deegaanada ay maamusho ka fulisa xukunada dilka qisaasta ah iyo sidoo kale kuwa xadka, waxaana marar badan Al Shabaab fagaarayaal ku toogatay dad geestay dilal iyo kuwa ay ku eedeeyeen dambiyo kale.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here