HomeWarkiiMuwaadin Somaliyeed oo lagu dilay  Dalka Koofur Afrika

Muwaadin Somaliyeed oo lagu dilay  Dalka Koofur Afrika

CAPTE TOWN (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed xili uu shaqada maameedkiisa ku mashquulsanaa marka kooxaha burcada ahi weerarayeen.

Muwaadinkaani Sooamaaliyeed Allaha u naxariistee waxaa lagu magacaabi jirey C/fataax Maxamuud Beer-yarre , kooxaha burcada ahi waxay ugu galeen tukaankii uu ka shaqeynayay halkaasi ayay na ku dhex toogteen.

Ciidamada Booliiska Dalkaasi iyo xubno ka tirsan Jaaliyada Soomaalida ayaa gaaray goobta dilka ka dhacay xili Boolisku sidii lagu yaqaanayba dhibaatada kadib dadka isaga dhiga inay wax baarayaan oo burcada daba-gal ku sameyn doonaan laakiin inta badan ma jirto wax u qabtaan Soomaalida.

Booliiska kaliya shaqada ay qabtaan ayaa ah inay tukaanka sawira ka qaadaan , dhiiga sawira ka qaadaan  sidaas oo kale meydka u qaadaan qaboojiyaha inta ehaladu isaga imaanayaan.

Kooxaha Burcada ah ayaa inta badan waxay beegsadaan ajaanibta sida Soomaalida ee la xamaalata dalkaasi iyadoo Soomaalida qaarkood iibsadaan hub si qarsoodi ah yo si aan qarsoodi ahayn intaba ,waxaana dhacda mararka qaar inay burcada iska difaacaan .

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -