Muwaadin Soomaali ah oo U Xiran waaxda Socdaalka iyo Jisnyada Dfs Inkabadan 3 Isbuuc

 

Ilo xog-ogaaal ah ayaa inoo sheegay dhibaatada ay shacabka ku haayaan hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha soomaaliya oo dhawaan muwaadin Soomaali ah oo ay ku soo ogayn in uu eraboorka wax ka tahriibiyo  una xiranyahay muda Sedex isbuuc ah sida  sharciga uu qabo qofki muwaadinka ah muda 48 saac ka badan Xabsi lagu heyn karin

Sida aan warka ku heleyno aya inoo sheegaya in waxaada Socdaalka Jinsiyadaha ilaa iyo hada cadeen u heynin muwaadinkaas Soomaliga ah waxuuna Qaadiga dacwada qaadaha ah ka dalbaday in ay cadeen keenaan waxaada Socdaalka si buuxdane muwaadinka lagu xukumi karo taa oo ilaa iyo hada aysan la imaanin.

Muwaadinka ayaa dacwada ka gudbiyey  Sargaal ka tirsan waaxda socdaalka iyo Jinsiyada oo ah madax ka hor taga tahriibka asigoo aan si cad u qeexin waxa uu ku heesto muwaadinka u xiran in kabdan 15 maalin

Sida aan ka soo xiganay ehelka wiilka ayaa ii sheegay in dad eraboorka ka dhoofaayey oo si sharci daro ku dhoofaayey oo la qabtay ay sheegeen in uu ninkaa dhoofinaayo taa sida muuqata aheyn cadeen sax ah oo lagu kalsoonan karo madaama qof isagoo danbi faraha kula jira la qabanin ma jiro sharci lagu xiri karo.

Hase ahaate Mar aan la xariirnay wasaarada Cadaalada ayaa noo xaqiijisay in uusan jirin sharci u yaalo Tahriibka iyagoona noo sheegay in hada laga fikiraayo in la diyaariyo sharciga Tahriibka kaa oo aan aheyn wax fudud maadama dadka soomaaliyeed dhamaantood ay yihiin kuwa qaxooti ku ah dalal kale.

Inkastoo dowlada Soomaaliya aysan laheyn sharci kala saaraya muwaadinkii lagu gardarooda siinaayo xaquuq sidaas darteed masuuliyiinta Dowlada waxaa laga rabaa in laga helo xaquuqda muwaadinka sida xaqdarada ah loo xiro waa in la siiyaa magdhow inta uu Xirnaa halka aduunka intiisa kale qof muwaadinka ah hadii lagu xad gudba la siiyo magdhow inta uu sharci darada u xirnaa taasi waa astaanta cadaaldnimo

Sikastaba ha ahaate dhawaan ayee aheyd marki ay kulan yeesheen Qaramada Midoobi kaa oo looga hadlaayey Arimaha Soomaliya oo aad loogu dhaliilay Hay’adaha Cadaalada Soomaliya in aysan u shaqeyn si cadaalad ku dhisan islamarkasne hareeyey xukunada ay fulinayaan musuq maasuq aad u daran.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064