Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Muwaadin Soomaaliyeed oo goordhaweyd lagu dilay dalka Koofur Afrika, waxaana la helayaa faah faahinno dheraad oo ku aaddan dilkaasi.

Dilka ayaa la sheegay inuu ka dhacay Degaanka Ritreat Ee Magalada Cape Town ee dalkaasi Koofur Afrika, waxaana marxuumka la dilay Magaciisa lagu soo koobay Cabdi Qandho, kaasi oo ka mid ahaa Soomaalida dalkaasi ku nool.

Goobta uu dilku ka dhacay waxaa gaaray Ciidanka Booliska kuwaasi oo sameeyay Baaritaanno ay ku baadi goobayaan dadkii dilka gaystay, balse ilaa iyo hadda ma jirto cid loo soo qabtay falkaasi dilka loogu gaystay Muwaadinkaasi Soomaaliyeed.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku ganacsda dalkaasi ayaa lakulmo dilal iyo dhac joogta ah, waxaana tiro dhowr jeer ah dilal bareer ah loo gaystay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalkaasi ganacsiyo waa weyn ku leh, mana jirto cid loo soo qabtay dilalkaasi oo cadaaladda la horkeenay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here