Swellendam (dayniiile.com)-Wararka laga helaayo Dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jirey C/qaadir James Rabi ha u naxariistee.
Marxuum Abdulkadir Jeemis waxaa lagu dilay Swellendam oo ah Magaalo Qiyaastii 225km u jirta Cape Town halkaasuu uu Ganacsi ku lahaa.
Advertisement
Sidoo kale Marxuum C/qaadir Jeemis Rabi ha u naxariistee waxaa la soo sheegayaa in 20-sano uu ku noolaa Koonfur Afrika islamarkaana uu Guryo iyo Ganacsiba ku lahaa, waxaana ugu danbeyn Xalay dileen Burcad hubeysan.
Warar kale oo laga helaayo asxaabtiisa ayaa sheegaya in Marxuumka bilihii danbe uu hanjabaayo kala kulmaayay burcad ka rabtay lacago baad ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM