Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Alle ha unaxariistee waxaa xalay goor dambe lagu dilay magaalada capetone gaar ahaan xaafadda bellvile Nuur Degab oo caan ka ahaa xaafadda koonfur afrika kaddib weerar lagu qaaday goob ganacsi oo kulahaa xaafadda bellville.

Weerarkaan ayaa sidoo kale lagu dhaawacay wiil soomaali ah oo magaciisa Mustaf lagu soo koobay.

Dilka iyo dhaawaca kaddib ayaa la sheegay inay gaareen xaafadsa bellville laamaha ammaanka ee dalka koonfur afrika kuwaa ok halkaasi baarritaanno ka bilaabay inkastoo aysan gacanta kusoo dhigin ragga weerarkaan geystay.

Saraakiisha ammaanka ee dalka koonfur afrika oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku raad joogaan ragga dilka geystay dhawaane ay caddaaladda horkeeni doonaan kolka ay gacanta kusoo dhigaan.Sanadkaan 2020ka ayaa tira dhowr ah oo muwaadiniin soomaaliyeed ah lagu dilay dalka koonfur afrika walloow dilka soomaalida loo geystay aanan cidna loo qaban.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064