Kooxaha hubeysan oo ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa Wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Deeq Madar xalay ku dileen magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika, kaas oo lagu dhexdilay tukaankiisa oo ku yaal magaaladaas.

Burcadda ayaa xaday lacag iyo alaabo kale ka hor inta aysan ka bixin goobta uu fal dambiyeedka ka dhacay, iyada oo Ciidamada Booliska ee dalka ayaa saacado kaddib goobta yimid, baaritaankoodana wax natiijo ah kama soo bixin.

Advertisement

Dhibaatadaan naxdinta leh iyo wax qabad la’aanta lagu badbaadinayo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka ku sugan ayaa noqotay wax iska caadi ah, iyada oo labada dowladood Soomaaliya iyo Koonfur Afrika aysan weli ka hadlin dilalka ku soo badanayaa dalkaan.

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa sannadihii ugu dambeeyey halkaas u tagayey ganacsiyo, iyaga oo badankooda u badnaa gobollada dalkaas halkaas oo ay kala kulmaan dil, dhac iyo boob hantiyeed oo joogta oo ay kala kulmaan kooxo burcad ah oo u dhashay dalkaas.

Previous articleMadaxweyne Xasan oo loo gudbiyay xogta weerarkii Kuliyadda Jaalle Siyaad Ammarna bixiyay
Next articleXukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in Saraakiil loo soo xiray Weerarkii Kulliyda Jaalle Siyaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here