Bulshada Rayidka ayaa saacadihii la soo dhaafay waxay qeyb ka ahaayeen waan waanta laga dhex wado dowlada waqtigeeda dhamaaday iyo musharixiinta mucaaradka.

Xubnaha Ururadda bulshada rayidka ee magaalada Muqdisho ayaa wadda dadaalo ay ku doonayaan inay ku dhexdhexaadiyaan dhinacayada DF Soomaaliya iyo midowga musharaxiinta.

Muxudiin Cismaan Shaatax oo ah gudoomiyaha bulshada rayidka ee Muqdisho ayaa sheegay inay u jeedku uu yahay inay dhinacyadu ay isu soo dhowaadaan ayadoo laga baaqsanayo waxkasto oo keeni kara xasilinooni daro.

Magaalada muqdisho waxaa laga daremayaa waan waanta socoto oo bulshada rayidka qeyb ka yihiin, waxa uuna sheegay shaatax in ay melna uga hari doonin arintaan ilaa xal laga gaaro

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here