HomeCiyaarahaMuxuu Arteta ka yiri billowgii liitay ee Viktor Gyökeres kulankii Manchester United?

Muxuu Arteta ka yiri billowgii liitay ee Viktor Gyökeres kulankii Manchester United?

XIGASHO LAACIB.NET

Viktor Gyökeres ayaa kulankiisii ugu horreeyay ee Arsenal ku billowday si liidata, inkastoo kooxdiisu 1–0 kaga adkaatay Manchester United garoonka Old Trafford.

Weeraryahanka cusub ee reer Sweden ayaan sameyn wax macquul ah, waxaana la beddelay qeybtii labaad kadib markii ay ku adkaatay inuu saameyn muuqata yeesho. Si kastaba, tababare Mikel Arteta ayaa difaacay ciyaartoygiisa, isaga oo sheegay in khaladku aanu isaga ka dhicin balse uu ka yimid kooxda inteeda kale.

Arteta ayaa ciyaarta kadib yiri: Wuxuu sameeyay waxyaabo badan oo fiican, gaar ahaan cadaadiskiisa sare ee qeybtii hore. Dhibaatadu waxay ahayd inaanan helin dariiqii kubbadda lagu gaarsiin lahaa. Taasi waxay keentay inuusan helin fursado badan oo gool loo beddeli karo.”

Tababaraha Gunners ayaa ku adkaystay in Gyökeres uu leeyahay tayooyin cad oo weerar, balse ay lagama maarmaan tahay in kooxdu hesho habka ugu fiican ee lagu adeegsan karo awooddiisa.

Arsenal ayaa guul ku bilowday xilli-ciyaareedka Premier League, balse Arteta waxa uu qiray in kooxda oo dhan looga baahan yahay inay si fiican u taageeraan weeraryahanka cusub si uu ugu dhalaalo horyaalka Ingiriiska.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -