HomeCiyaarahaMuxuu Arteta Ka Yiri In Kooxdiisa Ay Gaarto Finalka Champions League-ga Markii...

Muxuu Arteta Ka Yiri In Kooxdiisa Ay Gaarto Finalka Champions League-ga Markii Ugu Horreysay 20 Sano Kadib?

XIGASHO LAACIB.NET

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa ku tilmaamay guushii ay kooxdiisu ku gaartay finalka UEFA Champions League mid taariikhi ah, kadib markii ay 1-0 ku garaaceen Atletico Madrid, taasoo ka dhigtay 2-1 wadarta guud.

Arteta ayaa si gaar ah u amaanay taageerayaasha iyo ciyaartoydiisa, isagoo sheegay in habeenkaas uu ahaa mid gaar ah oo aan la ilaawi karin:

“Waa habeen cajiib ah. Waxaan mar kale sameynay taariikh annaga oo wadajir ah.”

Wuxuu sidoo kale xusay saameynta taageerayaasha:

“Jawiga ay abuureen taageerayaashu wuxuu ahaa mid gaar ah. Tamartaas ayaa ka dhigtay habeenka mid aan caadi ahayn. Waligey kuma dareemin sidaas garoonkan.”

Arteta ayaa ku faanay dadaalka kooxdiisa:

“Wiilashu waxay sameeyeen shaqo aan caadi ahayn. 20 sano kadib, waana markii labaad ee taariikhda, waxaan ku laabanay finalka Champions League.”

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -