XIGASHO LAACIB.NET
Xiddiga Manchester United ee Benjamin Sesko ayaa la hadlay warbaahinta kadib guushii 2-0 ee ay kooxdiisu ka gaartay Sunderland kulankii toddobaadka 7-aad ee Premier League.
Sesko oo kulankaas dhaliyay mid ka mid ah labada gool ayaa yiri:
“Markii aan goolka ku dhaliyay Old Trafford, waxay ahayd daqiiqaddii aan carruurnimadayda ku riyoon jiray. Jawiga halkan waa mid aan la rumaysan karin – ma aha oo kaliya kadib goolka, balse daqiiqad kasta oo aan kubbadda taabto. Waa riyo rumoowday, aad ayaan ugu faraxsanahay guusheenna maanta.”
Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu raaciyay: “Farqi ayaa u dhexeeya Premier League iyo Bundesliga. Ciyaartoyda halkan waa kuwo xoog badan, laakiin si tartiib ah ayaan ula qabsanayaa, tababar kasta iyo ciyaar kasta waxaan dareemayaa horumar.”
Markii la weydiiyay sida uu ula tacaalo cadaadiska, Sesko wuxuu yiri:
“Waxaan u shaqeeyaa taas. Cadaadisku macnihiisu waa inaad si fiican u ciyaarto. Anigu cadaadiska ma u arko wax taban.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Had iyo jeer waxaa jira cadaadis weyn, gaar ahaan markaad u ciyaareyso koox sida Manchester United. Waxaan ula macaamilnaa si togan, mar kale ayaan caddeynay awooddeena inaan si wanaagsan u ciyaarno oo aan guulo gaarno. Hadda waxaa muhiim ah inaan sidaas ku sii wadno.”
“Waa muhiim inaan guuleysanno si aan kalsooni u helno kulamada soo socda, gaar ahaan maadaama fasaxii xulalka la galay. Markaan soo laabanno, waxaan noqon doonnaa kuwo diyaar u ah kulanka xiga.”
XIGASHO LAACIB.NET
