HomeCiyaarahaMuxuu Diogo Dalot ka yiri guuldarradii United looga reebay tartanka FA Cup-ka?

Muxuu Diogo Dalot ka yiri guuldarradii United looga reebay tartanka FA Cup-ka?

XIGASHO LAACIB.NET

​”Si dhab ah haddii loo sheego, waxaan abuurnay fursado nagu filan oo aan ciyaarta ku badin karno,” ayuu daafaca midig ee Man United Diogo Dalot u sheegay TNT Sports ka dib guuldarradii 2-1 ee ka soo gaartay Brighton wareegga saddexaad ee koobka FA Cup-ka.

​”Kadib kaarka guduudka ah ayaa na dhabar-jabiyay (na geliyay khasaaro) waayo waxaan ka sarreynay Brighton daqiiqadihii ugu dambeeyay.

​”Guud ahaan aad ayaan u niyad-jabsanahay sababtoo ah waxaan rabnay inaan gudubno. Dhammaan wiilashu waxay isku dayayeen inay helaan boosaska banaan, sidii aan horay u sheegayna aad ayaan u niyad-jabsanahay sababtoo ah waxaan aaminsanahay inaan u qalannay guusha.”

​United ayaa ku guuldareysatay inay hal wareeg ka badan sii joogto labada tartan koob ee xilli ciyaareedkan, taasoo la macno ah inay xoogga saari doonaan oo kaliya horyaalka Premier League inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -