XIGASHO LAACIB.NET
Jurgen Klopp, oo hadda ah madaxa kubbadda cagta adduunka ee shirkadda Red Bull, ayaa biyo qaboow ku shubay wararka xanta ah ee isaga la xiriirinaya xilka tababarenimo ee Real Madrid ka dib ceyrintii Xabi Alonso.
Tababarihii hore ee Liverpool ayaa sheegay in ceyrinta Alonso ay calaamad u tahay in wax aysan sidii la rabay uga socon kooxda reer Spain xilligan. Klopp ayaa la yaab ku tilmaamay in tababare hibo leh oo labadii sano ee u dambeeyay Leverkusen ku muujiyay tayadiisa lagu qasbo inuu ka tago Madrid lix bilood oo kaliya ka dib.
Klopp wuxuu tilmaamay in go’aankani uu muujinayo in kubadda cagta casriga ah aysan wax waqti ah siin tababarayaasha, gaar ahaan kooxda Real Madrid oo laga qabo filasho aad u sarreysa.
Wuxuu rumeysan yahay in go’aanka shaqada looga ceyriyay Alonso uu ahaa mid lagu saleeyay cadho ka dib guuldarradii final-kii Super Cup-ka ee ka soo gaartay Barcelona.
Wuxuu qirtay inuu si dhab ah ula yaabay warka, isagoo ku daray in dad dhowr ah ay farriimo u soo direen, isaguna uu ugu jawaabay emojis kala duwan.
Klopp ayaa hadda diiradda saaraya xilkiisa cusub ee Red Bull, isagoo u muuqda mid aan xilligan diyaar u ahayn inuu ku soo laabto kursiga tababarenimo, xataa haddii ay tahay kooxda Real Madrid.
XIGASHO LAACIB.NET

