Muxuu ka dhigan yahay Heshiis difaac oo dhax Mara Soomaaliya iyo Itoobiya Marxaladdaan adag ee itoobiya ku sugan tahay.
….
Heshiis isdifaacid oo dhaxmara Itoobiya,Soomaaliya iyo Eratariya wuxuu la mid yahay Maroodi wayn oo dhaawaca Kana sii hoobanaya Buur dhakadeed oo Sagaaro Lugta loogu xiray.

Wadanka Itoobiya oo marxalad adag maraya hoggaankiisu wuxuu qaatay inuusan kaligiis ceelka ku shalwan. Si ayna u dhicin inay itoobiya oo qura burburto waxay qaateen inay lugta ku xirtaan Jabuuti, Eratariya, Kenya iyo Soomaaliya, balse Jabuuti iyo Kenya way fahmeen ilmada yaxaaska ee ka daadanaysa Mr Abiye.

Qoraalka Raysul wasaarihii hore Cumar Cabdirashid Cali ee Soomaaliya uu soo galiyay Bartiisa Tuweetarka, ee uu kaga digayo Heshiis difaac Milatari oo dhaxmara Soomaaliya Eratariya iyo Itoobiya, wuxuu daaran yahay in laga digtoonaado inaynu u kufno si aynaan ku tala galin, ama aynaan fahmi karin.

Ugu dambays, xaggaynu innaga iyo Itoobiya isku duruuf siyaasadeed ku noqonnay? Soo itoobiya ma aha uun itooyadii hubka isoogu keen dhiibtay, si Soomaaliya mida oo awoodle meesha ooga baxdo?

Maxaa keeni kara inaan Maroodigaas weyn ee Haadaanta kusii galab-galb le aynu lugta ku xiranno, inagoo Awalba duruufo badan oon gaar u leenahay la daalaa dhacaynay?

Warhooy haddaad rabtaan xukun Soomaali u doonta( NN).. wallayna Garowe iyo Hargaysa Iyo Kismaayo Makalle2 noqonayne.

W/Q: Rasheed Ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here