HomeWarkiiMuxuu ka hadlay MD Farmaajo, Nuxurka Waraysigiisa.

Muxuu ka hadlay MD Farmaajo, Nuxurka Waraysigiisa.

Muxuu ka hadlay MD Farmaajo, Nuxurka Waraysigiisa.

1: Wuxuu ka hadlay Amniga & Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka, wuxuuna ka sheegtay guul wayn in lagu wareejiyay Ciidan 100$ Mushaar ahaan u qaata ama iska baxa la dhaho, isna Wareejiyay Ciidan Cudud, Tayo & Mushaarba u dhammaystiran yahay.

2: Waxa uu ka hadlay Weerarkii lagu qaaday Madaxdii hore ee Dalka oo uu ku jiray Madaxwaynaha Hadda, wuxuuna sheegay in ay la yaab noqotay in MD Hassan oo shalay sheegaayay in Gen Odowaa Weeraray uu hadana laba xilli Ciidanka ku aaminay..

3: iska hor-imaadka hadalada madaxwaynaha ee shalay & maanta ayuu ka hadlay, wuxuuna sheegay in ay ku qasabtay in uu yiraahdo” Ninkaan isaga ayaaba mucaarad isugu filan ee maxaad ka mucaaradaysaa.

4: Khilaafkii Khaliijka & la safashadii Somaliya ee Qatar ayuu ka hadlay isagoo sheegay in Somaliya tahay dal xor ah islamarkaana iska leh go,aanka Cida ay la macaamilayso iyo cida ay cayrinayso.

5: Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay Cayrintii Dowladiisa ee Imaaraadka islamarkaana wuxuu sheegay in ay diideen in Soomaaliya San qabad lagu laqsiiyo wax aysan Rabin.

6: Doorashadiisii 2017 & Filashadii Shacabka ayuu ka hadlay, Wuxuuna sheegay in ay u maareeyeen sidii ay la aheed qorshaha kaga degsanaa.

7: Wuxuu si la mid ah ka hadlay Arimaha Dayn cafinta isagoo sheegay in ay dhidid & Dheecaanba galiyeen Guusha miraheedana la gurtay.

8: wuxuu ka hadlay Arrimaha gudaha isagoo ku faanay in ay wax badan ka qabteen.

9: Wuxuu ka hadlay Dekadihii la sheegay in uu Itoobiya u saxiixay.

10: Wuxuu sidoo kale ka hadlay Dagaalkii Xilka Raa,iisul wasaaraha looga tuuray ee uu Hogaaminaayay Augustina Mahiiga 2011.

11: Ugu dambayntii wuxuu sheegay in Dowlado badan ay wadaniyadiisa isku seegeen islamarkaana ay ka dagaalameen in uu markale xilka ku soo laabto isagoo dowlado badan xusay sida: Itoobiya oo kale.

Intaas ayaa ahaa Qodobada ugu nuxurka roonaa Waraysigiisa.

WAXAA QOREY:

SIYAASI MAXAMED SHIINE

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -