HomeWarkiiMuxuu ka yiri Netanyahu maxaabiis hadal heyn dhalisay oo Xamaas soo bandhigtay

Muxuu ka yiri Netanyahu maxaabiis hadal heyn dhalisay oo Xamaas soo bandhigtay

Hamas Releases Israeli Hostage Video, Netanyahu Expresses "Profound Shock"  | N18G - YouTube

QAZA (DAYNIILE.COM)-Maxaabiis Israa’iiliyiin ah oo Xamaas ay soo bandhigtay Kooxda Dagaal-yahanada ah ee Xamaas ayaa dhaliyay hadal heyn xooggan marka la eego gudaha Yuhuuda taasoo keentay in Natenyahu ka hadlo si uu u dejiyo qoysaska ay ka dhasheen maxaabiistaasi.

Hadal heynta xooggan ayaa dhaliysay markii muuqaalka maxaabiista oo Xamaas baahisay lagu arkay labada maxbuus oo aad ula ildaran gaajo waxaana ma muuqatay macaluul taasoo keentay in dareenka yuhuuda uu kaco islamarkaana Natenyahu ku kaliftay inuu hor yimaado warbaahinta.

Labada Maxbuus ee Yuhuuda ah waxaa lagu kala magacaabaa Rom Braslavsky iyo Eviatar David,Natenyahu ayaana ku eedeeyay Xamaas inay yihiin koox arxan daran oo waliba si ula kac labadaasi maxbuus gaajo ugu dilaya.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo doonaya inuu wax ka qabto dareenka naxdinta leh ee ka dhashay muuqaalka ay baahiyeen muhaajidiinta Xamaas war  ay shaaciyeen waxay ku sheegeen inay la kulmeen qoysaska maxaabiista kuwaasoo ay ka muuqatay xaalad aad u liidato ka dib ku dhawaad 22 bilood oo ay ku jireen gacanta Xamaas.

Muuqaalka Xamaas oo hadal heyn weyn dhaliyay ayaa xitaa gaaray heer Yuhuudu soo hadal qaado muhiimada ay leedahay in dib loo soo nooleeyo wada-haalo si rasmi ah maxaabiista la isku dhaafsado iyo guud ahaan in colaada lagu soo afjaro.

Yuhuda waxay u muuqdaan kuwo uu xanuun ku hayo shaqsi ama laba shaqsi oo Xamaas ay muuqaal ka soo duubeen dhibaatada ma muuqata iyo gaajada xili ay kumanaan shacab ah oo reer Falastiin u dhinteen una gaajeyan yihiin dhibaatada ay ku joogtada ugu hayaan taasoo muujineysa caqligooda oo aad u liida.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -