HomeWarkiiMuxuu ku saabsan yahay dhaga-hadalka Wasiir Fiqi ee ku socda mucaaradka samatabixinta

Muxuu ku saabsan yahay dhaga-hadalka Wasiir Fiqi ee ku socda mucaaradka samatabixinta

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu goor dhaw baraha bulshada ku faafiyay wuxuu ku dhaga hadlay siyaasiyiinta mucaaradka samatabixinta la baxay kuwaasoo uu ku dhaliiay inay colaadaha huriyaan.
Sidoo kale Wasiir Fiqi wuxuu xusay inay ka aamusaan marka dalka uu horumar ku talaabsado isagoo tusaale u soo qaatay ol-olaha is diiwaangelinta doorashooyinka oo ilaa iminka caasimada ay iska diiwaan geliyeen ku dhawaad hal miyan ruux.
Qoraalka Wasiir Fiqi ayaa sidan u qoraa:-
Xubnihii Madashii baaqyada colaad hurinta ah ka soo saarayay shalay isku dhacii yaraa ee la xalliyey, aawaye maxay dadka reer Muqdisho ee malyanka gaaraya ee isku diiwaangaliyey markii koowaad 56 sano ah ka dib in ay ka qeybgalaan doorasho qof iyo cod ah ugu soo hambalyayn waayeen.!
Mise horumarka dalka iyo dadka laguma qoro waraaqahooda?
Guddoomiyaha Gobalku waa ku mahadsan yahay horumarkaan weyn iyo hawshaan taariikhiga ah ee uu xaqiijiyey muddadii koobnayd ee xilka hayay.
Waxaa bogaadin iyo hambalyayn mudan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha oo guntiga u xirtay ka dhabayn hirgalinta doorasho qof iyo cod ah.
May be a graphic of 1 person and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -