HomeWarkiiMuxuu ku saabsan yahay heshiiska Wasiiradu ansixiyeen ee dhexmaray Somalia iyo Masar+SAWIRRO

Muxuu ku saabsan yahay heshiiska Wasiiradu ansixiyeen ee dhexmaray Somalia iyo Masar+SAWIRRO

Muqdisho, Khamiis, 03 Luulyo 2025:— Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey heshiis is-af-garad u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Masar, kuna saabsan iskaashiga arrimaha caddaaladda, iyo Siyaasadda Qaran ee Socdaalka Shaqada.
Kulanka, ayaa sidoo kale, lagu meel-mariyey heshiis is-afgarad u dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Turkiga iyo Wasaaradaha u xilsaaran Gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalalka Xeebaha leh ee Afrika, kuna saabsan Iskaashiga Xoojinta Xiriirka Gaadiidka, kaas oo ay Soomaaliya u soo saxiixday Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS.
Kulanka Golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta shirka wada-hadalka ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta, iyada oo Goluhu bogaadiyey shirkan iyo shirarkii ka horreeyey ee lala yeeshay siyaasiyiinta iyo ururrada diiwaan gashan, kuwaas oo looga tashanayey arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Golaha ayaa sidoo kale, warbixinno la xiriira amniga iyo munaasabadihii dabaaldegga maalmaha xorriyadda, waxa uu ka dhageystay Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhigga iyo Guddigii ka shaqeynayey dabaal-degga todobaadka xorriyadda, taas oo si weyn looga maamuusay dalka.
May be an image of 1 person, newsroom and textMay be an image of 2 people and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -