MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maalinimada beri ah oo taariikhdu tahay 9 July waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay marti-geliso shir caalami ah oo ay soo qaban qaabisay Madasha Horumarinta Bariga Africa.
Shirkaan oo socon doono laba maalin oo kala ah 9-10-ka Bishaan July ayaa ah shir cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Africa,waxaana lagu falan qeyn doonaa Dowlad dhiska Somalia.
Shirkaan waxaa diirada lagu saari doonaa fahamka Dowladnimada oo ah aas’aaska Dowladnima waarta oo ay leeyihiin muwaadiniinta, iyo sidoo kale fahamka waajibaadka iyo xuquuqda isa-suran oo ay isku leeyihiin Dowlada iyo muwaadiniinta.
faahfaahinta qodobada shirkaani ku saabsan yahay halkaan ka daawo iyadoo muuqaal ah:-
