Kismaayo (dayniiile.com)–Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor)  ayaa maanta u safraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Juballand.

Magaalada Kismaayo waxaa saaka laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Galmudug,waxa aad loo adkeeyay amniga iyadoo la xirey wadooyin dhowr ah.

Sidoo kale waxaa Kismaayo ku  balansan oo iyaguna tagaya Madaxweynayaasha Hirshabelle,Koonfur-Galbeed  iyo SSC Qaatumo,waxaa loo badinayaa Puntland inaysan ka qeybgaleyn .

Haddaba Warbixintaan waxaan kaga hadleynaa ujeedka iyo waxa uu ku  saabsan yahay, Shir Magaalada Kismaayo lagu wado inuu uga furmo Madaxweynayaasha 5 Maamul Goboleed oo ka jira Somalia.

Wararka horu dhaca ah waxay sheegayaa inay ka wada shiri doonaan arinaha diyaasada Dalka iyo kala war qaadasho dhanka madaxdaani.

Sidoo kale wara hoose ayaa sheegaya inay ka wada xaajoon doonaan arimaha cunuqabateynta hubka ee Soomaaliya laga qaaday iyo dòrkooda gaar ahaan mustaqbalka dhaw hubka ay rabaan iyo heshiiskii arintaas ku saabsanaaa oohore ay Dowlada ula galee.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa inay soo hadal qaadaan wajiga labaad ee dagaalka Alshabaab iyo  wax ka badalka Dastuurka oo guux siyaasadeed uu ka dhashay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIIILE.XOM

Previous articleShil dhimasho badan sababay oo ka dhacay Somaliland+SAWIRRO
Next articleAskari dil iyo amar diido gaystay oo Maanta Maxkamad la soo taagay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here