XIGASHO LAACIB.NET
Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona, Pedri, ayaa ka falceliyay natiijada codbixinta Ballon d’Or oo uu ku dhammeystay kaalinta 11-aad, halka abaalmarinta uu ku guuleystay garabka PSG ee Ousmane Dembélé.
“Waxaan dareemayaa in la igu qiimeeyo kooxda iyo xulka qaranka – taas ayaana ah waxa iigu muhiimsan. Waxaan isu dareemayaa inaan muhiim ka ahay abaabulka ciyaarta, si weeraryahanadu ay fursado ugu helaan goolal.
“Waxaan kaloo la dhacsanahay jacaylka ay taageerayaashu ii muujiyaan maalin walba; taas ayaana ah tan ugu quruxda badan marka laga hadlo dareenkeyga.”
XIGASHO LAACIB.NET
