=XIGASHO BBC SOMALI=
Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in ciidamo cusub oo dhanka badda ah ay u dirayso Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya, iyagoo sii wada howlgalka la dagaallanka burcad badeedda ee muddada 17-ka sano ah ka socday mid ka mid ah marinnada istaraatiijiga ah ee dhanka badda.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua, raxan maraakiib ah oo ka tirsan Ciidanka Badda Shiinaha ayaa Sabtidii ka shiraacday deked milateri oo ku taalla magaalada Qingdao ee bariga gobolka Shandong ee dalka Shiinaha, si ay ula wareegaan howlgal galbin ee maraakiibta maraya Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya.
Markabkan 48-aad ee ciidamada badda waxa uu ka kooban yahay oo saaran gantaalaha wax burburiya, gantalada la hago markab sahay ah — oo ay saaran yihiin laba helikobtar iyo toboneeyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Shiinaha.
Isku diyaarinta howlgalka, askartu waxay qaateen tababarka ugu horrayn diiradda lagu saaray isticmaalka hubka, qaabka loo ilaaliyo kolonyada badda, iyo tallaabooyinka lagama maarmaanka howlgalka.
Hawlgalka Shiinaha ee ka dhanka ah burcad-badeedda ee Gacanka Cadmeed ayaa billowday sanadkii 2008-dii, xilligaasi oo ay sare u kacday burcad-badeedda Soomaalida.
Kooxda hawsha loo xilsaaray ayaa markii hore loo oggolaaday inay galbiyaan oo keliya maraakiibta Shiinaha iyo maraakiibta sida sahayda bini’aadantinimo ee Soomaaliya, balse holwgalka ayaa markii dambe la ballaariyay si ay u ilaaliyaan maraakiibta ganacsi ee dalalka kale
Bayaan ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Shiinaha ayaa lagu sheegay “in ammaanka dadaha oo la wanaajiyey ay ka qayb qaadanayso ka hortagga burcad-badeedda iyo dhaca hubeysan ee badda, kuwaasoo weli khatar ku ah maraakiibta isaga gooshta xeebaha Soomaaliya”.
Xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxa ku sugan maraakiib aad u farabadan oo Shisheeye, kuwaas oo u yimid inay la dagaalamaan burcad baddeeda Soomaalida walow ay sii yaraanayaan, hayeeshee waxaa maraakiibtaas lagu eedeeyaa inay kalluumeysi sharci darro ah ka wadaan biyaha Soomaaliya

Maraakiibta Shiinuhu waxay wataan diyaarado helikobter ah iyo ciidamo gaar ah oo loogu talagalay la dagaallanka burcad badeedda.
Bishii December ee 2024-kii ayay ahayd markii koox burcad badeed ah ay markab Shiinuhu leeyahay ka afduubteen xeebaha Soomaaliya.
Shiinaha oo kali ah ma aha ciidamada shisheeye ee howlgalk la dagaallanka burcad badeedda ka wada xeebaha Somaliya .
Dowladda Shiinaha ayaa sidoo kale saldhig militari ku leh dalka Jabuuti.
Holwgalka ugu ballaaran ee la dagaallanka burcad badeedda ayaa waxaa wada Midowga Yurub.
Dabayaaqadii 2008, Golaha Midowga Yurub wuxuu ansixiyay tallaabo wadajir ah, oo ku saleysan go’aamo kala duwan oo Qaramada Midoobay ka soo baxay, si loo dhiso loona fuliyo siyaasadda, amniga iyo difaaca wadajirka – Hawlgalka Atalanta ama loo yaqaanno EUNAFVOR Somalia.
Holwgalkan ayaa sida la sheegay in uu gacan ka geystay joojinta, iyo ka hortagidda falalka burcad badeedda ay ka wadeen xeebaha Soomaaliya.
Heerka burcad badeedda Soomaaliya ayaa aad hoos ugu dhacay sanooyinkii u dambeeyay.
