XIGASHO LAACIB.NET

Manchester United ayaa xilli-ciyaareedka Premier League 2025/26 ku bilaabatay guuldarro 1–0 ah oo ay Arsenal ku gaarsiisay Old Trafford, hase yeeshee tababare Ruben Amorim ayaa muujiyay kalsooni weyn kadib ciyaarta.
Amorim ayaa sheegay in kooxdiisu ay ahayd tan ugu fiican kulanka dhanka firfircoonida iyo awoodda ciyaarta, inkastoo ay ku fashilmeen inay dhaliyaan goolal. “Waxaan u baahannahay inaan noqono kuwo xooggan. Sharciga ma beddelayno, waa inaan la qabsanno. Aniga ahaan maanta annagaa fiicneyn,” ayuu yiri macallinka.
Wuxuu sii raaciyay: “Waxaan haysannaa ciyaartoy awood u leh inay guuleystaan kulan kasta oo Premier League ah. Waa inaan diiradda saarno ciyaaraha oo aan iska illowno buuqa bannaanka. Ma aha muhiim cidda ciyaareysa – waxaan rabnaa inaan guuleysanno.”
Inkasta oo United ay abuurtay fursado cad-cad, oo ay ka mid ahaayeen laadkii birta ku dhacay ee Patrick Dorgu iyo isku dayo badan oo Matheus Cunha ah, haddana goolka Riccardo Calafiori ayaa ahaa midkii lagu kala baxay.
Amorim ayaa weli aaminsan in Red Devils ay awood u leeyihiin inay si adag ula tartamaan kooxaha waaweyn xilli-ciyaareedkan.
XIGASHO LAACIB.NET
