Wasiirka Dekadaha C/qaadir Maxamed Nuur ayaa bartiisa Facebook soo dhigay kuuqaal ay iskula jiraan isaga iyo Wasiirka Batroolka iyagoo wada-jir ugu bishaareynah Dadka Soomaaliyeed.
Hadaba maxay tahay bishaarada lahada wasiir oo aysan si rasmi ah u cadeyn laakiin kaliya ay ku gaabaadeen inay Soomaalida ugu bishaareynayaan war weyn oo farxad leh oo mar dhaw dhagahooda ku soo dhici doona insha Allah .
Si kastaba anaga ka Dayniile.com ahaa saaka ayaan idinla wadaagnay in Markabkii shidaalka u soo saarayay Soomaaliya inuu maanta ka soo dhaqaaqayo Dalka Turkiga isagoona ku soo wajahan Somalia gaar ahaan Muqdisho ka hor inta uusan howlgelin.
Masuuliyiinta sar sare ee Dalka ayaa lagu wadaa inay markabka u sameeyaan mumaasabad lagu qaban doono Dekada Muqdisho marka uu ku soo xirto si Soomaalida loogu soo bandhigo imaanshihiisa iyo bishaarada ah inuu bilaabayo soo saatista shidaalka iyo macdanta Somalia dhex ceegaagta.
Warar kale ayaa sheegaya in Mareykanku shaqadaan wax ka qaban doono soo saarista shidaalka Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
