HomeWarkiiMuxuu salka ku hayaa Dagaalka Beeleedka u dhexeeya Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Muxuu salka ku hayaa Dagaalka Beeleedka u dhexeeya Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

CEEL-BARAF (DAYNIILE.COM)-Deegaanka Calaag ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ka taagan colaad  u dhexeysa laba maleeshiya Beeleed oo ka soo kala jeeda Degmada Jalalaqsi iyo Deegaanka Ceel-baraf kaasoo salka ku haya is qabqabsi dhul beereed halkaasi ku yaal.

Dagaalka Labada Maleeshiyo Beeleed oo dhowr mar soo noqnoqday ayaa wararkii ugu danbeeyay waxay sheegayaan inaaney jirin cid isku howshay joojinta colaadaasi iyo in la dhex dhexaadiyo intaba,wararka ugu danbeeya ayaa sheegaya inay jirto cabsi weyn oo ah in maanta mar kale maleeshiyaadku iska hor imaadaan.

Odayaal u hadlay dhanka Shabeelaha dhexe ayaa ka cabanaya sida ay sheegeen maleeshiyaadka ka yimid Hiiraan iyagoona ku eedeeyay inay Shabeelaha dhexe u yimaadeen dhul boob islamarkaana ay taageero ka halayaan Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan oo ay u tiiriyeen inuu isagu soo abaabulay maleeshiyaadka Hiiraan.

Odayaasha waxay ku eedeeyeen Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi Nuur Dheere inuu hubka iyo rasaasta Dowlada uu ku soo qaato inay Alshabaab kula dagaalaan balse ay u adeegsanayaan dagaalka beeleedka ka socda Deegaanka Calaag.

Ma jirto ilo madax banaan oo cabashada odayaasha u hadlay Gobolka Shabeeaha dhexe kuwaasoo sheegaya in hubkii iyo rasaastii Alshabaab loogu tagu talo galay in iaga lagu dilayo sidoo kalana dhulkooda lagu boobayo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -