HomeWarkiiMuxuu salka ku hayaa heshiiska cusub ee ay kala saxiixdeen Dowladdaha Soomaaliya...

Muxuu salka ku hayaa heshiiska cusub ee ay kala saxiixdeen Dowladdaha Soomaaliya iyo Uganda +SAWIRRO

May be an image of 2 people, dais and text that says "AND BUSINESS IT BER, BER,2025 2025 KAMPALA ortur"‎‎Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) oo ka qaybgalaya shirkii 2-aad ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Uganda, oo ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda, ayaa la saxiixday wasiirada dhiggooda ah ee Dowladda Uganda dhowr heshiis oo lagu hormarinayo xiriirka labada dal.

‎‎Heshiisyadani maanta la saxiixay waxaa ka mid ah saddex heshiis isfahan (MoU) oo ku saabsan maamulka socdaalka, waxbarashada & isboortiska iyo Amniga labada dal.

‎‎Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag”, iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Mudane Xamse Aadan Xaadoow ayaa dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya u saxiixay heshiisyadan.

‎‎Waxaa sidoo kale shirka ka qayb galay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Danjiraha Soomaaliya ee Uganda Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha guud ee wasaaradaha qaar.

‎‎Shirkan oo ah kii 2-aad ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Uganda ayaa sidoo kale looga dooday sidii loo horumarin lahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay ee labada dal, iyadoo madax ka socotay ganacsatada labada dhinac ay ka qayb galeen.

‎‎Dhanka kale labada dowladood waxa ay qorsheynayaan in la saxiixo heshiis ku saabsan shaqada kasoo la doonayo inuu ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha labada dhinac iyo inuu fududeeyo helidda shaqooyinka si sharci ah.

‎Ugu dambeyntii waxaa sidoo kale laysku raacay in shirkan midka xiga lagu qabto Soomaaliya sanadka 2027.May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of text that says "Theme UGANDA SOMALIA JPC & Investment and Business Summit 07 07-08 08 October 2025 at Mestil Hotel, Kampala Uganda "Promoting Uganda Somalia Partnership Through Investment, Trade and Tourism, and Harnessing Opportunities in both Countries"May be an image of 3 peopleMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 15 people, table, dais and textMay be an image of 1 person, dais and text that says "VES NT MN roL ro EL ANDA"May be an image of 5 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 13 people, suit and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 people, dais and text that says "AND BUSINESS IT BER, BER,2025 2025 KAMPALA ortur"May be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 12 people and daisMay be an image of 2 people, beard and suitMay be an image of 3 peopleMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 5 people and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 1 person, dais and text that says "NGANDA SOMALI"

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -