HomeWarkiiMuxuu salka ku hayaa heshiiska Dalkeenu la saxiixday Tanzania +SAWIRRO

Muxuu salka ku hayaa heshiiska Dalkeenu la saxiixday Tanzania +SAWIRRO

May be an image of one or more people, dais and text

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Midowga ee Tanzania ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga maareynta arrimaha socdaalka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha la xiriira.

Heshiiska waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), halka dhinaca Tanzania uu u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Patrobas Paschal Katambi. Sidoo kale munaasabadda saxiixa waxaa goobjoog ka ahaa madaxda hay’adaha socdaalka ee labada dal, Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow iyo Marwo Dr. Anna P. Makakala.

Heshiiskan cusub waxa uu xoojinayaa xiriirka diblomaasiyadeed, amni iyo ganacsi ee ka dhexeeya labada dal, isaga oo qayb ka ah dadaallada lagu hormarinayo iskaashiga dalalka ku bahoobay East African Community.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in si degdeg ah loo hirgeliyo qodobbada heshiiska, kuwaas oo diiradda saaraya fududeynta isu-socodka muwaadiniinta. Muwaadiniinta sita baasaboorrada diblomaasiga ah iyo kuwa shaqaalaha dowladda ayaa laga dhaafay dal-ku-galka (Visa on Arrival). Sidoo kale, muwaadiniinta ku safaraya baasaboorrada caadiga ah ee labada dal ayaa 24 saacadood gudahood ku heli doona dal-ku-gal, si loo dardargeliyo isu-socodka dadka iyo ganacsatada.

Ugu dambeyn, waxaa si gaar ah loogu mahadceliyay dadaalka iyo shaqada hagar la’aanta ah ee Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan, iyo dhammaan howlwadeennada safaaradda Soomaaliya ee ka howlgala dalka Tanzania, kuwaas oo door muuqda ka qaatay hirgelinta heshiiskan.May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people, people studying and textMay be an image of textMay be an image of textMay be an image of dais and text that says "ALNIA AKANA TANAN"May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -