HomeWarkiiMuxuu salka ku hayaa khilaafka mucaaradka samatanixinta soo wajay

Muxuu salka ku hayaa khilaafka mucaaradka samatanixinta soo wajay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Khilaaf xooggn uu soo kala dhex galay siyaasiyiinta Muqcaaradka ee la mabaxay golaha samatabixinta kadib shirkii ay maanta la laheeyeen Madaxweynaha Somalia oo fashil ku soo dhamaaday.

Sedexda Siyaasi  ee kala ah Cumar C/rashiid, Shatiif Xassan iyo Daahir Geele ayaa la sheegay inay si cad u diideen in mucaaradku ku dhawaaqo inuu gabi ahaanba burburey wada-xaajoodkii ay la lahaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh .

Shirkii Mucaaradka u socday oo goor dhaw lagu kala tagay , waxay ku balameen inay beri isku soo laabtaan xili aysan jirin wax isku raaceen madaama ay isku qabteen ujeedka shirkooda oo ahaa inay ku dhawaaqaan inuu shirka burburey.

Sadexdaan Siyaasi ayaa xubnaha kale u sheegay in madaama madaxweyne Xasan tanaasul ka ogolaaday qodobada qaar aysan fiicnayn in lagu dhawaaqo in shirku bur-burey taas badalkeedana waxay soo jeediyeen in la sii wado wada-xaajoodka

Siyaasiyiinta inta kale waxaa la sheegay inay isla qaateen inay Dowlada ku eedeyaan burbur ama fashilka ku yimid heshiiskii dhexmari lahaa Madaxweynaha iyo Mucaaradka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -