HomeWarkiiMuxuu salka ku hayaa Khilaafka xoogan ee soo kala dhex-ga;ay safiirada Somali...

Muxuu salka ku hayaa Khilaafka xoogan ee soo kala dhex-ga;ay safiirada Somali ee kala fadhiya Kenya iyo Tanzania DEG DEG: Khilaaf oo Soo kala dhex galay Safaarada Soomaaliya ee Tanzaniya iyo Safaarada Soomaaliya ee Kenya ”Safaarada JFS uqaabilsan dalka Tanzania 🇹🇿 waxay cadeeyneysaa in Congo DRC 🇨🇩 ay Dowlada Federalka Soomaaliya iyada masuul uga tahay Danaha Dowlada iyo Dadka, Safarka lasheegey inuu Safiirka Kenya wafdi uu hogaaminaayo oo ka kooban Ganacsato Kenyan iyo kuwa Soomaaliyeed kutagey Kinshasa, haba yaraatee Safaarada uusan lasoo wadaagin xogta Safarkiisa iyo Ujeedkooda taas oo ah mid kabaxsan Sharciga Diplomacy yada iyo kan Arimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda”.Somali Embassy in Dar es Salaam- Tanzania

Waxaa Khilaaf xoogan uu soo kala dhex-galay labada Safiir ee Soomaaliya ku matala Dalalka Kenya iyo Tanzania taasoo  saacadihii ugu danbeyay aad looga hadal hayay baraha bulshada.
Khilaafka ayaa ka dhashay markii Safiirka Kenya Jabriil Cabdulle iyo  ganacsato isaga la socotay ay safar ku kutageen Magaalada Kinshasa ee xarunta Dalka Condo balse uusan la socodsiib safiirka kale ee Somalia halkaasi uga wakiilka ah taaso qalad ku ah nidaamka diblomasiyada madaama wax kasta dhici karaan ayna ahayd inuu wargelin sameeyo.
Sidoo kale Safiir Jabriil waxay ahayd inuu bixiyo xogta ujeedka socdaalkiisa ee dalka Congo inkastoo anaga aanan xaqiiqo u heyn warar sheegaya in safiir Jabriil halkaasoo arimo qarsoodi u ah oo dhanka ganacsiga ah uu rabay inuu ka soo fushado taasoo sababta khilaafka abuurtay , xitaa waxaa jirta warar sheegaya in safiirka Congo ee Somalia markii uu wax ka weydiiyay inay ereyo cul culus is dhaafsadeen laakiin anaga taas xaqiiqo uma hayno.
Warar kale ayaa sheegaya in khilaafku salka ku hayo sahmin ganacsi macdaneed oo ay ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwa Kenyan ah ka samaynayaan qaybo kamid ah dalka  Cong taasoo uu ka carooday safiirka Somalia ee Congo oo sidoo kalana Dowlada uga wakiil ah Dalka Tanzania madaama safiir gaara aysan Dowladu halkaasi geyn.
Qoraal uu soo saaray Safiirka Somalia uga wakiilka ah Dalalka Congo iyo Tanzania islamarkaana uu uga hadlayo talaabada uu qaaday Safiirka Kenya Jabriil ayaa sidan u qorneyd:-
May be an image of 2 people and text that says "Somali Embassy in Dar es Salaam- Ta... 3m ··· Safaarada JFS uqaabilsan dalka Tanzania waxay cadeeyneysaa in Congo DRC ay Dowlada Federalka Soomaaliya iyada masuul uga tahay Danaha Dowlada iyo Dadka, Safarka asheegey inuu Safiirka Kenya wafdi uu hogaaminaayo oo ka kooban Ganacsato Kenyan iyo kuwa Soomaaliyeed kutagey Kinshasa, haba yaraatee Safaarada uusan lasoo wadaagin xogta Safarkiisa iyo Ujeedkooda taas oo ah mid kabaxsan Sharciga Diplomacy yada iyo kan Arimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda. EMBASSY OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA Dar es Salaam- Salaam-Tanzanta Tanzania"
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -