Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa caawa booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Ethiopia.
Wasiirka oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kala duwan ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Dalka Ethiopia, isagoo casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Ethiopia.
Wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxda katirsan Dowlada Ethopia iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia.
May be an image of 6 people and people studyingMay be an image of 2 people, dais, newsroom and textMay be an image of 6 people and people studying
Previous articleWarbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Next articleDAAWO VIDEO: Saciid Dani “waxaan go’aansaday in Doorashadda 8da Janaayo lagu gali nidaamkii hore ee 66ka ahaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here