WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa si adag kaga hadlay ciidamada iyo agabka Milateri ay Dalalka waa weyn ee reer Yurub u direen Jasiiradda Greenland oo hoos tagta Dalka Denmark halkaasoo Mareykanku sheegtay inuu xoog ku qabsanayo xili reer Yurubna doonayaan inay xoog ku difaacaan.
Dalalka ciidamada u direy Jasiiradda Greenland waxaa ku jira dalalka waa weyn ee Awooda ku leh Qaramada Midoobe islamarkaana heysta hubka nuyukleerka sida Faransiiska iyo Ingiriiska, waxaana ku wehliya Jarmalka, Netherlands, Denmark, Norway, Sweden iyo Finland.
Trump wuxuu maanta dalalkaani ugu hanjabay inuu saari doono canshuur 10% ah hadii aysan isaga ku taageerin qorshihiisa uu doonayo inuu ku qabsado kadibna Mareykanu xukumo Jasiiradda Greenland.
Lama yaqaan sida Trump u qasbi karo dalal awood ahaan ka mid ah kuwa dunida ugu horeeya sida Britain iyo Faransiiska kuwaasoo si cad u diiday in dal reer Yurub hadana NATO kula jira Trump uu u adeegsado awood milateri isagoo wali si sharci daro u doonaya inuu u qabsado.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
