HomeWarkiiMuxuu yahay ereyga uu goor dhaw ka dhawaajiyay Fahad Yaasiin ee baraha...

Muxuu yahay ereyga uu goor dhaw ka dhawaajiyay Fahad Yaasiin ee baraha Bulshada dooda ka dhaliyay

Fahad Yaasin Xaaji Daahir oo ah Agaasimihii hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa goor dhaw war kooban uu baraha bulshada soo dhigay wuxuu kaga hadlay aq-balaada Mucaaradka Dowlada Somalia ee ay ogolaadeen gogosha ay Dowladu dhigtay Muqdisho 1-da Bisha Febraayo.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed go’aan qiime leh ayay soo saareen, In Haybadle Saciid Dani iyo Haybadle Axmed Madoobe ay shirka aqbaleen oo Muqdisho tagayaan waa tallaabo u wanaagsan wadajirka iyo midnimada dalka” ayuu yiri Fahad Yaasin

“Maalinta uu shirkaas Xamar ka furmo kadib, wixii gadaal ka xumaada IF iyo AAKHIRO eeddeeda waxaa qaadaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu mar kale ka dhawaajiyay Fahad Yaasin

Hadalada Fahad Yaasin  waxaa ku jirtay ereyga Heybadle Axmed Madoobe iyo Heybad-le Saciid Deni taasoo bulshada Soomaaliyeed la yaab ku noqotay gaar ahaan ereyga ah Heybadle Axmed Madoobe waxayna dhalinyaradu durba bilaabeen inay is bar bar dhig ku sameeyaan erey hore uga baxay Fahad Yaasin  ee ahaa Axmed Madoobe waa kansarka Siyaasada Somalia waxaana lala bar bar dhigay ereyga goor dhaweyd ka soo baxay ee ah Heybadle Axmed Madoobe.

Baraha bulshada waxaa durba aad looga hadal hayaa sidee buu Fahad Yaasin  isku qabadsiin karaa shalay Kanasar maantana Heybadle.

 XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of text that says "Fahad Yasin 11m• Follow Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed go'aan qiime leh ayay soo saareen. In Haybadle Saciid Dani iyo Haybadle Axmed Madoobe ay shirka aqbaleen oo Muqdisho tagayaan waa tallaabo u wanaagsan wadajirka iyo midnimada dalka. Maalinta uu shirkaas Xamar ka furmo kadib, wixii gadaal ka xumaada IF iyo AAKHIRO eeddeeda qaadaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud."
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -