Sida aan ka soo xiganay Taliska Ciidamada Midiowga Afrika gaar ahaan howlgalka AUSSOM Ciidanka Uganda ee ka tirsan Hawlgalka AUSSOM Â ayaa shalay la maamuusay iyagoo looga mahadceliyay doorka ay ka qaateen nabadda Soomaaliya.Â
Xaflad ka dhacday Taliska Qaybta Koowaad ee Muqdishio, Taliyaha Ciidanka AUSSOM, S/Guud Sam Kavuma, iyo Taliyaha Qaybta Koowaad, S/Guuto Musoke Ssemwanga, ayaa billad sharaf guddoonsiiyay in ka badan 20 saraakiil oo ka tirsan Guutada Battle Group 42 ee ka hawlgasha gobollada Banaadir & Shabeellaha Hoose, kuwaas oo dhammaystay muddadii halka sano ee ay hawlgalayeen.
Guutada Battle Group 42 waxaa mas’uuliyadda kala wareegay Guutada Battle Group 46, oo sii wadi doonto hirgelinta waajibaadka AUSSOM iyo sare u qaadista xasilloonida gobolka.
Taliyaha Ciidanka ayaa ayaa ciidanka ku ammaanay xirfaddooda, nafhurnimadooda iyo saamaynta ay ku yeesheen nabadda iyo amniga Soomaaliya.



