
MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday inay maanta u socdaaleen Somaliland gaar ahaan sida uu sheegay caasimada midninimada isagoo ula jeeda Magaalada Laas-caanood ee caasimada Maamulka Waqooyi Bari.
Hadalka Wasiirka ayaa gil-gilay baraha bulshada markii uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxaana daqiiqado ka fal celiyay dad ka badan 5-kun ruux kuwaasoo qaarba si fasireen hadalka Wasiirka marka loo eego mucaraadka Dowlada iyo muxaafadka.
“Somaliland ayaan socdaal u nahay gaar ahaan caasimadda midnimada ee Laascaanood,mar kale ayay goboladaas midnimada dalka xajiyeen,Soomaalinimada ayaa naga weyn, naga badan” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiir Fiqi
Bulshada qaarkood ayaa durba fahmay dulucda hadalkiisa oo u janjeera ku xumeynta reer Waqooyi Galbeed ama gooni goosadka Somaliland la baxay halka qaarkood iyagoo fahamsan hadana uga faa’idieysteen ereyga Somaliland iyagoo ku macneeyay inuu dafirey magaca Waqooyi Bari islamarkaana wasiirku qirey in wali reer Laascaanood ka tirsan yihiin Somaliland.
Hadalka Wasiirka wuxuu soo qaatay markii isaga iyo Wasiiro kale oo tirsan Xukuumada Somalia ay maanta u anbabaxeen Magaalada Laas-caanood,waxaana ka mid ah Wasiirada ay is raaceen Wasiirka Ganacsiga oo reer Waqooyi-Bari ka soo jeeda iyo Wasiirka arimaha gudaha oo reer Puntland ka soo jeeda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM


DAYNIILE.COM



