Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiiska caalamiga ah ee lagu magacaabo Heshiiska Xakameynta Faafidda iyo Tijaabada hubka wax-gumaada ee Nukliyeerka.
Heshiiskaas ayaa magaciisa lagu ee loo soo gaabiyo CTBTO. Heshiiskaas waxaa horey u diiday dalal waa weyn oo ay dunida ah oo ay ka mid yihiin Israel, Hindiya, Kuuriyadda Waqooyi, iyo Iiraan.
Jimcihii la soo dhaafay ayuu isaga oo metelaya Soomaaliya waxaa heshiiskaas qalinka ku duugay Abukar Daahir Cismaa ‘Baale’ oo ah ergeyga joogtada ah ee dawladda Soomaaliya u qaabilsan Qarammada Midoobay.
Tallaabadan ayaa daba socotay ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse uu bishii Juun ballanqaaday in dalkiisu saxiixayo heshiiskaas, isagoo ku sugan shir caalami ah oo haayadda Qaramada Midoobay u qaabbilsan heshiiskan ay ku qabatay magaalada Vienna.
XIGASHO BBC SOMALIA