HomeWarkiiMuxuu yahay heshiiska Somalia iyo Turkey ay maanta kala saxiixdeen+SAWIRRO

Muxuu yahay heshiiska Somalia iyo Turkey ay maanta kala saxiixdeen+SAWIRRO

May be an image of 3 people, dais and textXafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa Maxkamadda Xisaabta ee Jamhuuriyadda Turkiga (TCA), ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan arrimaha kala ah:
1. Is-dhaafsiga xirfadaha iyo culuumta la xiriirta manhajka iyo habraacyada fulinta hantidhowris madaxbannaan, iyo korjoogteynta hannaanka maareynta maaliyadda guud ee qaranka, iyadoo hay’ad walba ay raacayso sharciyada iyo xeerarka u degsan dalkeeda.
2. Wadaagga waayo-aragnimada la xiriirta baarisyada waxqabadka, u hoggaansanaanta sharciga, nidaamyada macluumaadka tiknoolajiyadda, heshiisyada dheef-wadaagga iyo falanqeynta xogaha.
3. Wada-fulinta cilmi-baarisyo ku saabsan horumarinta xirfadaha hantidhowrka iyo tayeynta hantidhowrayaasha.
4. Suuragelinta waxbarashada heerarka Master’s iyo PhD ee la xiriira sharciyada, dembiyada maaliyadeed, caddaaladda dembiyada, IT-ga, xisaabaadka, dhaqaalaha, tirakoobka, baarista waxsoosaarka khayraadka iyo warbixinta miisaaniyadda.
5. Taageeridda horumarinta unugyada baarista waxsoosaarka khayraadka, dabagalka warbixinnada iyo talo-soojeedinta hantidhowrka, isku xirka hay’adaha hantidhowrista iyo xoojinta fahamka waxtarka mabda’a hantidhowrista.
Hantidhowrayaasha Guud ee Soomaaliya iyo Turkiga, Mudane Axmed Guutaale iyo dhiggiisa Mudane Metin Yener, ayaa madasha saxiixa heshiiska ka muujiyay sida ay uga go’an tahay wadashaqeyn waxtar leh iyo dhaqangelinta heshiiskan.May be an image of 2 people and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, the Oval Office, dais and textMay be an image of 2 people, dais, the Oval Office and textMay be an image of 7 people, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -