HomeWarkiiMuxuu yahay kulanka dhexmaray Madaxweyne Xassan iyo Safaarada Turkey

Muxuu yahay kulanka dhexmaray Madaxweyne Xassan iyo Safaarada Turkey

War ka soo baxay Safaarada Turkey ku leedahay Muqdisho ayaa si cad logu sheegay inuu qaabilay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud islamarkaana ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

“ Waxaa si sharaf leh noo qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Intii uu socday kulanka, waxaan mar kale adkaynay taageeradeena joogtada ah ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, ilaalinta madaxbannaanideeda, amnigeeda iyo barwaaqadeeda. Waxaan si mug leh uga mahadcelineynaa Madaxweynaha soo dhoweyntiisa iyo martigelintiisa diirran”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay safaarada Turkey

Dhanka Villa Somalia ma jirto wax war ah oo lagu cadeynayo kulankaan iyo waxa ay ka wada hadleen safiirka Turkey u fadhiya Muqdisho iyo Madaxweyne Xassan.

May be an image of text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -